Sunday, July 13, 2025

RW Rooble oo casuumaad loogu sameeyay Degmo ka tirsan Muqdisho iyo Wadooyin Saacado u xiranaa

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa munaasabad casuumaad ah loogu sameeyay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir oo markii ugu horeysay uu tegay.

Waxaa soo dhoweyn loogu sameeyay Degmada Dayniile, iyadoo ay soo dhoweeyeen Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Maxmuud (Caanaboore), Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Nabadoono, Wagarad iyo Shacabka Degmada Dayniile.

“Waan uga mahadcelinayaa bulshada Dayniile soo dhaweynta iyo taageerada ay ii muujiyeen. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa inaanan dan gaar ah ka lahayn doorashada. Musharraxiinta oo dhami way ii siman yihiin, waana in aan dalka gaarsiinnaa doorasho innagoo garbaha is haysanna” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

Intii uu Rooble kusii jeeday Deynile iyo intii uu ku sugnaa halkaasi ayaa waxay ciidamada Amniga xireen Isgoysada waaweyn ee Trebuunka, Warshadda Caanaha, Digfeer iyo wadooyinka gala, waxaana halkaasi ku xayirmay kumanaan dad ah iyo gaadiidkooda, iyadoo uu joogsaday isu socodka.

May be an image of 1 person, standing and outdoors
May be an image of standing and sky
May be an image of 3 people, people standing, indoor and text that says 'W O 2021'

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON