Ra’iisal wasaaraha xukumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal culus ugu jawaabay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Guddi cusub u saaray Kiiska Ikraan Tahliil.
Qoraalka Ra’iisal wasaaraha ayaa sharci darro ku tilmaamay in dacwad maxkamad taalla loo Saaro Guddi baaris, wuxuuna si cad ugu sheegay in howshaasi ay tahay waajibaadka xukuumadda oo ah Golaha fulinta, isagoo faray maxkamadda ciidamada inay dhaqaajiso dacwadda Ikraan Tahliil.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA RA’IISAL WASAARAHA
Office of the Prime Minister
SEPTEMBER 14, 2021 WAR-SAXAAFADEED
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya waxuu aaminsan yahay in Dastuurka KMG ah ee dalka uu saldhig sharci u yahay kala soocidda Awoodaha Sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka Dalka.
• Ra’iisul Wasaaraha isagoo maanka ku haya, sida uu qabo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka godabadiisa 105 iyo 106 oo qeexaaya in Garsoorku ka madax bannaan yahay laamaha Dowladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda, waxa uu u xaqiljinayaa Shacabka Soomaaliyeed in aan kaalin uga bannaanayn Hay’adaha Fulinta kuna samaynkarin wax faragalin ah Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
• Ra’iisul Wasaaraha wuxuu la socdaa in maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahlil Faarax taasoo waafaqsan Qodobka 34aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah oo xaq u siinaya in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh.
• Gal dacwadeed maxkamad horyaalla in loo magacaabo guddi baaris waa arrin baal marsan Dastuurka iyo shurcuucda dalka, saxna ma aha in hay’ad xubno ka tirsan oo dacwad loo heysta ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska taas oo liddi ku ah caddaalad u helidda qoyska Ikraan Tahalill Faarax Sidaa awgeed, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu mar kale adkeynayaa in Xeer ilaalinta Maxkamadaha Ciidamada Qalabka ee gacanta ku haya gal dacwadaeedka kliska Ikraan in ay dardar galiyaan si ay qoyskeedu u helaan caddaalad madax bannaan oo ka maran faragalinta hay’adaha fulinta.
• Ugu danbeyn, Ra’lisul Wasaaraha XFS waxa uu ka digayaa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahlill. Sidoo kale Ra’lisul Wasaaruhu wax uu farayaa Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Maxamed Xuseen Rooble
Ra’iisul Wasaaraha XFS
