RW Rooble: Waxaan hayaa farriin la sii soo diray oo la iigu hanjabayo haddii la furo kursiga Xildhibaan Aamina
Ra’iisal wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kashifay sir ku saabsan dilka xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo Is-miidaamiye ku beegsaday xarunta Madaxtooyada magaalada Beledweyne.
Rooble oo caawa ka hadlayey xaflad loogu duceeyay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa sheegay inuu hayo farriimo loogu hanjabay isaga haddii furo tartanka Kursiga Aamina ku fadhisay, isla markaana ay nool yihiin dadkii ka danbeeyay dilkeeda.
“Ilaah baa iga sarreeya Message baa ii soo dhacay, waana hayaa oo la igu leeyahay: Kursigaas Aamina furitaanka aad furtay boob iyo ujeeeddo baad ka leedahay, waxaad ka hesho ayaadna leedahay Cali Guudlaawe iyo Hirshabeelle-na waan iska Celineynaa, adigana waa iska kaa celinaa..” ayuu yiri Rooble oo ana sheegim cidda farriinta hanjabaadda ah u soo dirtay.
Wuxuu mar kale yiri: “Waa noolyihiin kuwii Baladweyne keenay ee lacagta ku bixiyey ninka Aamina isku qarxiyey ee kasoo waday dhulka aad aragteen ee keenay Beledweyne, mana ka harayno, Caawaba lagama ahayn inaan soo baxo.. Waan u dhimanayaa”.
Ra’iisal wasare Rooble ayaa ballan qaaday inuusan ka hari doonin kiiska dilka Xildhibaan Aamina, isla markaana uu daba geli doono., Isagoo caddeeyay inuu aaminsan yahay in Xildhibaan Aamina ay dishay gacantii dishay Ikraan ka danbeysay.
Arrintan ayaa ka dhigan eedeyn culus oo saameyn weyn yeelan doonta, iyadoo hore farta loogu fiiqay inuu tuhunka khaarijinta Aaamina saaran yahay kooxda madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmajo.
