Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey inay xukuumaddiisa dhiseyso dciidamo gaar ah oo suga Amniga dooarshada.
Ciidamadan ayuu sheegay inay noqon doonaan ciidamo loo wada dhan yahay oo dhexdhexaad ah. Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay xilli uu kulan la lahaa xubnaha beesha caalamka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wakiilada Beesha Caalamka u sheegay inay ciidamada loo sameynayo Doorashada ay ku shaqayn doonaan xayndaabka sharci kadib marka wadatashi lala sameeyo dhammaan saamilayda siyaasadda.
Waxa uu sheegay in kadib markii uu wadatashi la sameeyey maamul gobleedyaada uu diyaar u yahay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho aasaaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September. Rooble ayaa sheegay in caqabadda keliya ee hortaagan doorashada ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhaba.
Waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee beesha caalamka inay billaabaan qorshayaasha ku saabsan taageerada dhinaca tasiilaadka, farsamada iyo dhaqaale ee loo fidinayo hannanaka hirgelinta doorashada.
