Sunday, July 13, 2025

RW Rooble oo kulan la yeeshay Qoyska iyo Odayaasha Ikraan Tahliil iyo Ballanqaad uu siiyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda NISA, lana sheegay inay u gacan gashay Alshabaab, kadibvn ay dileen.

Xubnaha Qoyska Ikraan Tahliil ee uu qaabilay Ra’iisal wasaaraha waxaa horkacayey Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi, waxaana ka mid ahyad hooyadeed Qaali Maxamuud Guhaad.

Xafiiska Ra’iisal wsaaraha ayaa shaaciyey in Rooble uu la wadaagay ehelada dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda oo ka mid ahayd xubnaha Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qoyska Ikraan u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay inay helaan caddaalad, isla markaana uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo.

May be an image of 5 people, people sitting and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON