Monday, June 23, 2025

RW Rooble oo magacaabay Guddi Xaqiijinaya xubnaha laga saarayo Guddiyada Doorashada

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi xaqiijin oo kala saaraya xubnaha Guddiyada Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddigan oo heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Gollaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Heshiiska labaad ee Doorashada lana saxiixay 27- May 2021 ayaa qoraya:

Ad

Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka

Goluhu wuxuu go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.

Guddigan ayaa laga sugayaa inay xaqiijiyaan oo ay caddeyaan xubno ku dhow 20 oo la sheegay inay ka mid ahaayeen shaqaalaha Madaxtooyada, Hay’adda dowladda, ciidamada iyo taageerayaasha baraha bulshada ee Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON