Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu uga tanaasulay musharaxnimada xilka Madaxweynaha, sababo. la xiriira doorashada uu mas’uulka ka ahaa.
Rooble oo munaasabadda ciidul fitriga muuqaal soo duubay ayaa xaqiijiyey inuu leeyahay han siyaasdeed, isla markaana uu doorashada u maamuli karay si dantiisa doorasho ku jirto, balse uu dadka Soomaaliyeed iyo danta Qaranka u tanaasulay.
“Waxaa suuragal ii ahayd inaan madaxweyne isu sharxo, doorashadana aan adeegsado, waxa naga go’neyd inay dalku Doorasho ka dhacdo. Waxaan lahaa han-siyaasadeed balse waxaan u tanaasulay Danta Qaranka in aan badbaadiyo umadda, dan shaqsi iyo mid siyaasadeed kama lahayn doorashada taas ayaana inoo fududeysay” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.
Wuxuu Hambalyo u diray guddoonka Labada aqal, isagoo ugu baaqay inay dedejiyaan howlaha doorashada Madaxweynaha. Xidhibaannada ayuu ugu baaqay inay doortaan hoggaamiye dalka ka badbaadin kara xaaladda adag ee lagu jiro iyo inaan dib loogu noqon wixii hore loo soo maray.
