Friday, January 21, 2022

RW Rooble oo soo saaray Amarro ka kooban 9 Qodob oo ku saabsan Maamulka Doorashada (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble War kasoo saaray ayaa war kaso osaray go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal oo lagu laalay laba kursi oo lagu doortay Magaalada Baydhaba, kana tirsanaa xildhibaannada Gollaha Shacabka.

Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal, wuxuuna ku booriyey Guddiga Xallinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si caddaalad ah oo waafaqsan Heshiisyada iyo Habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka.

War-saxaafadeedka Rooble ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in mas’uuliyadda hoggaaminta Doorashada ay leeyihiin Golaha Wadatashiga ee isugu hoggaamiyo, isla markaan ay madax bannaan yihiin Guddiyarada Doorashada.

Ad

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu magacaabayo wakiilo u qaabilsan dhaqdhaqaaqyada Doorashada oo warbixiino joogto ah siiya, isagoo xoojinayaa Doorka la socodka iyo u kuurgalista daahfurnaanta Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Rooble ayaa faray Gudiyada Doorashada 9 Qodob oo ku saabsan Habraaca Doorashada oo kala ah:

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu faray Guddiyada Maamulka Doorashooyinka in ay qaadaan talaabooyinka soo socda.

- Advertisement -

1- Ka hor inta aan la qaban kursi kasta ee Golaha Shacabka waa in la cadeeyo, la diiwaangaliyo, lana shaaciyo Magacyada Xubnaha Guddiga soo xulista Ergada ee ka kooban Duubabka/Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha/Jufooyinka Kursiga iska leh.

2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dawlad-goboleed ee SIEIT waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Wakiilada la socodka Arrimaha Doorashooyinka ee XRW magacyada xubnaha Guddiga soo xulista ergada ka hor inta aan la diiwaangalin lana shaacin.

3- Soo xulista ergada waxaa si buuxda ugu madaxbanaan Duubabka/Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha/Jufada leh Kursiga lagumana faragalinkaro.

4- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada si ay howlahooda ugu fuliyan si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka.

- Advertisement -

5- Waa in doorashada kursi kasta ay goobjoogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay ergada doorashada galaysa, Warbaahinta Madaxa banaan, iyo Goobjoogayaal Madaxbanaan si martqaati looga noqdo hufnaanta iyo daahfurnaanta Doorashada Kursi kasta.

6- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee heer Federaal, heer Dawlad-goboleed iyo Xalinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay.

7- Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku adkaynayaa dhamaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga xalinta Khilaafaadku in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo habraacyada hagaya Doorashooyinka, cidkasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaabtamayaa.

8- Si loo ilaaliyo wadashaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Guddiyada Doorashooyinka herarkooda kala duwan in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta kuna dhaqmaan heshiishyada iyo habraacyada doorashada ee dagsan.

9- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah waxaa lagu adkeynaayaa in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada golaha shacabka ee deegaan doorashooyinkooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!