Ra’iisal wasaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq Maxamud, isagoo sidoo kale isku bedelay laba wasiir oo kale.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ugu magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, wuxuuna xilkii ka qaaday Wasiirkii hore Maxamed C/risaaq Maxamed Maxamud.
Cabdisaciid Muuse Cali ayaa mudo kooban ahaa agaasimaha Madaxtooyada, iyadoo kiiskii Ikraan Tahliil looga soo wareejiyey la-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga, si xilkaas loo siiyo Fahad Yaasiin, waxaana hadda loo dalacsiiyey Wasiirka Arrimaha dibadda, taasoo ah rabitaanka Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Sidoo kale Rooble ayaa Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), waxayna arrintan imaaneysa iyadoo khilaaf adag ka taagnaa howlgalka AMISOM iyo sida loo bedelayo dhammaadka sanadkan ee 2021.
Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta ayaa dhinac akle isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.
Rooble ayaa sii wada xil ka qaadista iyo magacaabista wasiirka iyo mas’uuliyiinta xukuumadda, iyadoo sharci ahaan aanu lahayn in xukuumad xilgaarsiin ah ku dhaqaaqdo magacaabis xilal.
