Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabka u dhoofay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo dalku marayo iyadoo dadaal loogu jiro qabashada Doorashada dib u dhaca badan ku yimid iyo xalinta caqabadaha heysta, wuxuuna magaalada London uga qeyb galayaa Shirka Caalamiga ah ee Waxbarashada.
Rooble ayaa las heegay inuu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo Mas’uuliyiin kale oo shirka ka qeyb galeysa.
Dhinaca kale madaxda shirka ka qeyb galeysa waxaa ka mida Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo madaxtooyada Kenya ay shaacisay inuu shirka Caalamiga ee Waxbarashada la guddoomin doono Ra’iisal wasaaraha UK Boris Johnson.
