Sunday, July 13, 2025

RW Rooble Sharci ahaan xilka maka qaadi karaa Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA..?

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalkii ka qaaday laba sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, kadib markii ay jebiyeen amar uu soo saaray.

Tallaabadan ayaa timid, iyadoo uu Ra’iisal wasaaraha hore uga gaabsaday inuu tallaabo ka qaado arrimo badan oo awoodiisa hoos imaanayey, balse ay gacanta kula jirtay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana arrintan si weyn usoo dhoweeyay musharixiinta mucaaradka.

Ka sokow awoodda uu muujiyey Rooble waxaa tallaabada uu qaaday shaki gelin kara inuu sharci ahaan awood u leeyahay xil ka qaadis Hay’adda Agaasinkeeda ama taliskeeda uu magacaabo ama toos u hoos tagta Madaxweynaha dalka.

Sida oo qorayo Qodobka 90-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya Madaxweynaha ayaa magacaaba, xilalkana ka qaada taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka, marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, isaga ayeyna toos u hoos tagaan, isagoo ah Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida, waana taas qodobka ka reebaya Ra’iisal wasaaraha keligiis inuu ku dhaqaaqo xil ka qaadista iyo magacaabista saraakiisha ciidamada.

Awoodda Ra’iisal wasaaraha waxaa lagu caddeeyay Qodobka 100-aad ee Dastuurka KMG ah oo qoran sida soo socota:

Qodobka 100aad. Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha
Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:
(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;
(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;
(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay
u siiyaan kalsooni.
(d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan
Dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Qodobka 99-aad ee Dastuurka oo ku saabsan Xilalka Golaha Wasiirrada ayaa faqradiisa ayaa qoreysaa in Golaha Wasiirada uu Magacaabo, xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda; kaasoo aan kala caddeyn, balse loola jeedo kuwa rayidka ah. Qaabka uu Rooble uga baxsan lahaa waxay ahayd inuu adeegsado Golaha Wasiirada iyo Wasiirka Amniga, laakiin ay ku jiraan xubno saaxiibo la ah Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha marka ay wada shaqeynayaan Dastuurka KMG ah dood kama timaado, laakiin markii mid ka mida uu qaado tallaabo aanu ogoleyn ama ka horjeedo kan kale, waxaa dhasha qalalaase Dastuuri ah iyo doodo sharciyeed, wuxuuna dalku galaa xaalad adag.

Arrimahaas oo waxay imaanayaan marka Dastuurka lagu dhaqmayo, laakiin waxaa xaaladda uga sii dareysa, iyadoo lagu jiro xilli kala guur ah oo xasaasi ah. Madaxweynaha weli xilka fadhiya ee Maxamed C/llaahi Farmajo wuxuu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhammaaday 5 bilood ka hor, halka Ra’iisal wasaare Rooble ay xukuumadiisu tahay xilgaarsiin, iyadoo xilligan ay ahayd inaan lagu dhaqaaqin magacaabis ama xil ka qaadis.

Si kastoo ay u dhacdo xil ka qaadista saraakiisha Hay’adda NISA waxaa cad in Hay’adda ay xilligii Farmaajo isu bedeshay mi siyaasadeed oo loo adeegsado dano gaara, kuna lug yeelatay dhibaatooyin iyo tacadiyo badan oo dalka ka dhacay, taasoo tallaabada Rooble la dhigeysa mid dad badan soo dhoweeyaan.

Goobjooge.net

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON