Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kadib markii loo yeeray.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta, waxayna Guddiga Fulinta Baarlamaanka ku Wararka ayaa sheegaya geliyeen Ra’iisal wasaaraha inuu bilaaban doono isla xisaabtan, isla markaana wasiirada xukuumadiisa ay u diyaar garoobaan, inay Golaha Shacabka hor keenaan Heshiisyada ay galeen.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay Guddiga u sheegay inay diyaar u tahay Xukuumadiisa korjoogteyn iyo in lala xisaabtamo. Kulanka ayaa ku soo aadday iyadoo shalay guddiga joogta ee Baarlamaanka ay ka horyimaada hannaanka ay Xukuumadda ku gudbisay heshiiskii Golaha wadatashiga.
Arrimaha wax laga weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mida Hannaanka shaqo ee Xukuumadda, iyadoo Guddigu uu caddeeyay in la bilaabi doono hannaan lagula xisaabtamo oo mid mid Wasiirada loogu yeeri doono.
Golaha Shacabka oo kulamadisa ay hareeyeen caajis badan iyo sharciyo si degdega loo marsiiyey ayaa markii ugu horeysay ee loo qaaday la-xisaabtanka xisaabtanka Xukuumadda oo aan dhicin muddo S anad ah oo Goluhu aanu dhinacaas waxba ka qaban.