Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay Heshiis taariikhi ah oo uu sheegay inay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga.
Heshiiskan oo isugu jiray Milateri iyo dhaqaale ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in heshiiskan uu Soomaaliya ka saarayo saaxiib la’aantii, iyadoo Turkigu garab istaagay Somaliya markii ay halis iga timid dibadda.
“Soomaaliyana waxay maanta yeelatay saaxiib iyo walaal dhab ah, kaas oo meesha ka saaraysa in aynu biyaheenna iyo waxa ku jiraba uga baqno argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, faragelin dibaddeed iyo sun lagu shubo baddeenna”. ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.
Ra’iisal wasaaraha ayaa intaas ku daray in heshiiskan uu suurto gelin doono in la tababaro lana qalabeeyo ciidamada Badda Soomaaliya, lagana faa’iideysto dhaqaalaha baluugga ah ee dalka.