Saturday, April 20, 2024

RW Xamse: “Puntland waxay hortaagan tahay Deyn Cafinta iyo Shaqaaleynta dhalinyarrada”

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, isagoo sheegay inay dowladnimada Soomaaliya ay Puntland ka taagan tahay meel aan u qalmin.

“Puntland waxay hormuud ka ahayd dowlad dhiska dadka Soomaaliyeed… reer Puntland dowladnimada Soomaaliya baadigoobkeedii meel walba ayey u soo mareen. Puntland Maanta dowladda dhiska Somaliya meesha ay ka joogaan ma aha meel u qalanta…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse oo Caawa ka hadlay xaflad ka dhacday Muqdisho.

Wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu hortaagan yahay 400 macallin oo shaqaale looga qori lahaa degaanada Puntland, ayna hortaagan yihiin maamulka Puntland, isla markaana ay diidan yihiin in askarta dowladda laga soo qoro Puntland.

Ad

“Uma qalanto Puntand in la yiraahdo dowladdu ma soo geli karto, sidaas hormuudnimo maaha, 90% deyn cafinta waan dhammeynay, waxaa jira waxyaabo yaryar oo shuruud u ah wada-sahqeynta dowladda federaalka iyo dowlad Goboledyada, dhammaan waan wada shaqeynaa marka laga reebo Puntalnd. Haddii ay deyn cafintii u fashilanto arrintaas yar Puntland hoggaanka Puntand ayaa mas’uul ka noqonaya..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.

Ra’iisal wasaaraha wuxuu ugu yeeray madaxda Puntland inay arrimaha deyn cafinta ka saaraan siyaasadda oo aysan ceeb u soo jiidin Puntland, isagoo ka digay in Doorasho aan la isla ogoleyn laga qabto Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON