Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay inay fashilisay weerarro qorsheysan oo Al-Shabaab ay ku qarxin lahayd Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho oo ku dhow Madaxtooyada Somaliya.
NISA ayaa gacanta ku dhigtay jaakadaha qaraxyada iyo bajaaj lagu fulin lahaa weerarkaas, waxaana qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee dowladda Federaalka lagu sheegay in laamaha amniga ay fashiliyeen weerarkaas 6-da bishan May 2023.
“Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda. Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.
Dhinaca kale Hay’adda NISA ma sheegin in la qabtay dadkii Qaraxyada waday, tiradooda, mana jirto faahfaahin laga bixiyey halka Dadkii waday iyo sida loo qabtay midna.
Beerta Nabadda ayaa ah goob lagu nasto oo dadweyne badan ay ku qaataan xilliyada firaaqada, waxayna ku dhowdahay xeydaabka laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
