Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaho ayaa markii ugu horeysay maanta hortegaya kulanka koowaad ee kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa furaya kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dastuuriyan ay tahay inuu isagu furo, waxaana ajendayaasha maanta ee kalfadhiga ka mida in kalsooni loo qaadayo Ra’iisal wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre.
Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka ayaa laga codsaday in 9:00 subaxnimo ay diyaar u noqdaan xarunta baarlamaanka, inkastoo xildhibaanada looga bartay inay dib u dhacaan.
Ra’iisal wasaaraha magacaaban ayaa lagu wadaa inuu kalsooni ka helo xildhibaanada Baarlamaanka, kadib olole kalsooni raadin ah oo madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ay wadeen maalmihii ugu danbeeyay.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka la dhigay Ciidamo aad u badan, waxaana la xiray wadooyinka qaarkood.
Goobjooge.com