Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa maanta bilaabay xayiraad ay kusoo rogeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Warqad uu taliska ATMIS u diray safaaradaha, hay’adaha UN-ka iyo diplomaasiyiinta ku sugan xerada Xalane ayaa lagu sheegay in ciidamada ATMIS ay howlgallo amni ka sameyn donaan gudaha xerada Xalane.
“Taliska ATMIS wuxuu baaritaanno amni ka sameyn doonaa saldhigga Xalane laga bilaabo 10-ka ilaa 16-ka bishan April. Haddaba si baaritaanno amni oo aan joogsi lahayn ay u dhacaan, saldhigu wuxuu noqon doonaan mid xayiraad la saaray inta u dhaxeysa muddadaasi kor ku xusan.” Sidaasi ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay howlgalka ciidamada Midowga Africa ee ATMIS.
Xayiraaddan waxaa ku jira in la joojiyay dhammaan howlaha dhismaha, ganacsiyada Soomaalida iyo ajanabiga, iyo waliba dhaqdhaqaaqa gudaha xerada Xalane.
Xogta la helay ayaa sheegysa in Dhaarinta xildhibaannadda Baarlamaanka Soomaaliya oo ku beegan 14-ka Bishan April 2022 aysan saameyn doonin xayiraadda Xalane ay ATMIS saartay, wax xiriir ahna aanu ka dhaxeyn.
Ujeedka ugu weyn ee Taliska ATMIS aya ah inay hubiyaan Amniga gudaha Xalane oo shaki soo galay kadib weerarkii Alshabaab 23-kii Maarso, iyo inuu nadiifiyo xerada Xalane, oo isu diyaarineysa dhaarinta xildhibannada iyo Madaxda cusub ee Soomaaliya.
Tallaabada ATMIS ayaa imanaysa iyadoo dhawaan kooxda al-Shabaab ay weerar ay ku qaaday garoonka diyaarahada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ajanabi ah.
