Thursday, June 26, 2025

Sababta Miisaaniyadda Lacago badan loogu qoondeeyay Puntland oo la ogaaday [Akhriso]

Iyadoo dood weyn ka dhalatay lacago loo qoodeeyay maamul Goboleedyada, taasoo ka dhex muuqatay Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ayaa la ogaaday sababta dhalisay arrintan.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacagaha maamulada ugu qoran miisaaniyadda ay tahay mashaariic Bankiga adduunka iyo hay’ado kale ka fulinayaan maamul goboleedyada dalka ayna u kala badan yihiin sidii ay u kala horeeyeen oo ay ku xiran tahay sida loo ogolaado mashaariicda.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in lacagahaasi aanay ahayn mid dowladdu siineyso maamulada, balse ay yihiin lacago ku qiimeysan mashaariicda laga hirgelinayo maamulada, wuxuuna caddeeyay in maamulada cusub ay sidoo kale heli doonaan mashaariicdaasi oo u baahan wadahadallo, dowladuna diyaar u tahay inay gacan siiso maamuladaasi.

AKHRISO LACAGAHA LOO QOONDEEYAY MAAMULADA DALKA

  • Puntland $ 4,675,000
  • Jubbaland $ 2,695,000
  • Galmudug $ 1,425,000
  • Koofur Galbeed 1,425,000
  • Hirshabeelle 750,000
  • G/Banaadir $ 7,000,000

Dad badan ayaa su’aalo ka keenay qaabka lacagaha sare ku qoran oo ku jira miisaaniyadda loogu qoondeeyay maamuladda, waxaana ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Federaalka.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON