Wararka laga helayo magaalada Beledweye ayaa sheegaya in wafdi ka socday dowladda Federaalka oo shalay booqan lahaa magaalada ay dib u dhaceen.
Arrintan ayaa sabab looga dhigay dhinaca farsamada, kadib markii Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ay rooban xireen, isla markaana diyaarad helikobtar ah oo qaadan lahaayeen arrimo farsamo ay ka hor yimaadeen.
Wafdiga ayaa waxaa la filayay inuu hoggaamiyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyadoo ku wehlin lahaayeen xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadiisa, waxaana dib loogu dhigay waqti kale oo aan la shaacin.
Magaalada Beledweyne ayaa go’doon ku jirta iyadoo garoonka ugu dhow ee diyaaradaha ka degi karaan uu yahay garoonka magaalada Dhuusamareeb oo u jira ku dhowaad 200 KM.