Warbaahinta Sacuudiga ayaa shaacisay in dalkaasi laga waayey aragtida Bishii Soonfur (Shawaal), isla markaana Berri la dhammeystirayo 30-ka Bisha Ramadaan.
Kadib raadinta Bisha Shawaal oo Sacuudiga ilaa 10 goobood oo waaweyn laga raadiyo, laguna eego aaladaha Telescope-ka ayaa la axqiijiyey in la waayey, iyadoo sidaasi lagu dhawaaqay inaysan Berri ahayn Ciid.
Dalalka ugu badan ee dunida ayaa ku xiran Sacuudaiga oo la soomo, lana afura, waxanaa hadda la filayaa in Axadda ay dalalka islaamka ay u bilaaban doonto maalinta koowaad Ciidul fitriga.
Halkan ka Akhriso Warbixinta Aragtida Bisha Soonfur
