Thursday, July 17, 2025

Sacuudiga oo si lama filaan ah u belelay warkii ku saabsanaa Qaabka loo dilay Kamal Kashoqgi [Akhriso]

Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii saddexaad bedeshay warka ku sabsanaa qaabka loo dilay saxafiga Kamal Kashoqgi oo 2-dii bishan lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, dalka Turkiga.

Sida ay goor dhoweyd faafisay Wakaalada Wararka Sacuudiga, Xeer ilaaliyaha guud ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in dilkii loo geystay Jamal Kashoqgi uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay, isagoo soo xigtay warar ay ka heleen Turkiga.

Xeer ilaaliyaha Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka kiiskan uu socdo, lana eegayo macmuulaadka uga yimid dhinaca Turkiga, isla markaana xaqiiqada laga sal gaari doono, iyadoo gacanta lagu hayo 18 qof oo arrintan loo heysto.

Arrintan ayaa noqoneysa inuu Sacuudiga ku sii dhowaanayo inuu qaato xogtii Turkiga shaaciyey ee ahaa in si fool loo dilay saxafiga, loona qorsheeyay, iyadoo hore Sacuudigu u sheegay warar kala duwan;

1- Markii hore Sacuudigu wuxuu gebi ahaan beeniyay dilka saxafiga Jamal Kashoqgi, waxayna ku adkeysteen inuu ka baxay safaaradooda, 20 kadib.

2- Sacuudiga ayaa sheegay in Jamal Kashoqgi u dhintay dagaal dhex maray dad loogu diray inay ku qanciyaan ku laabashada Sacuudiga.

3- Markii saddexaad waxay sheegeen Sacuudiga in la isku dayey in la aamusiyo, kadibna uu u dhintay inuu neef qabatoobay.

4- Warka maanta kasoo baxay ayaa ah in dilka Jamal Kashoqgi uu ahaa mid ay hore u qorsheeyeen kooxda dilkiisa geysatay.

Kadib cadaadisyo fara badan oo dunida uga yimid ayaa iminka waxaa muuqata in Sacuudiga u soo dhowaaday xaqiiqada, iyadoo la shaqeyneysa Baarayaasha Turkiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON