Sacuudiga oo xayiraadii ka qaaday Markabkii xoolaha siday ee ka tegay Berbera [Dowlada Somalia oo…]

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ka hadlay Markab ku xayirnaa dekadda magaalad Jiddaha ee dalka Sacuudiga, kaasoo xoolo gaaraya 20-kun Ari ah siday, kana qaaday Dekadda Berbera ee Somaliland.

Markabkan oo muddo ku xayirnaa Dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga tan iyo july 11, 2019 ayuu sheegay Ra’iisal wasaare ku xigeenka in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal u gashay in arrintiisa la xaliyo iyadoo xiriir la sameysay dowladda Sucuudiga.

Ad

Wuxuu sheegay inay caddaatay in Markabka loo xayiray inuusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood ee Somalia iyo Sacuudiga ay hore u kala saxiixdeen, kadibna dowladda Somalia ay kala hadashay Sacuudiga in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed..

Dowladda Sucuudiga ayaa kadib codsiga dowladda Soomaaliya ogolaatay in markabka ariga laga dejiyo si loogu iibiyo suuqyada xoolaha dalka Sucuudiga, waxaana xlay Markabkii laga dejiyay dhammaan arigii saarnaa sida uu yiri, isagoo intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya uu kaalin weyn ka qaatay xalinta arrinta Markabka..

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

127,987FansLike
1,144FollowersFollow
3,340FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!