Wararka laga helayo shirka Madaxda Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa sheegaya in is-faham laga gaaray dhismaha Guddiyada Doorashada ee maamuli doona Doorashada Dadban ee 2020/2021.
Madaxda ku shiran Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay isla meel dhigeen in Guddiga Doorashada Heer Federaal uu magacaabi dooni Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, halka Guddiyada Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed ay magacaabi doonaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, laakiin sidoo kale waxaa la dhisi doonaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada, waxaana magacaabi doona Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay xubno ku yeelanayaan Maamul Goboleedyada.
Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada ayaan hore uga mid ahayn heshiiskii Doorashada, laakiin waxaa talo ahaan usoo jeediyey Baarlamaanka Federaalka oo qodobo kale kusoo lifaaqay heshiiskaasi.
Magacaabidda Guddiyada Doorashada ayaa noqoneysa tallaabo weyn oo hore loo qaaday iyadoo weli aan la isla meel dhigin jadwalka Doorashada 2020/2021 oo siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Beesha Caalamka ay dalbadeen in faahfaahin dheeraad ah lagu daro heshiiska oo meelo badan mugdi ku jiro.
