Wednesday, July 2, 2025

Saddex ka mida madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo shir Qarsoodi ku leh Nairobi & Qorshahooda

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya inay halkaasi gaareen saddex ka mida madxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya oo kulamo qarsoodi ah halkaasi ku yeelanaya.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif  Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kulankooda Nairobi la sheegay inay uga hadlayaan arrimaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warar ku dhowdhow madaxda maamuladaasi ayaa sheegaya inuu shirkaasi qabanqaabiyay madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo olole ugu jira in dib loo doorto Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada ku xiran labada madaxweyne Shariif  Xasan iyo Axmed Madoobe ayaa xilliyadii ugu danbeeyay u soo wareegay taageerada dib u doorashada Xasan Sheekh, waxaana socda olole doorasho xoog leh oo heshiiyo hoose lagula gelayo madaxda maamulada dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON