Kooxda Alshabaab ayaa ku sheegatay mas’uuliyadda weerarro qaraxyo ah oo ka dhacay agagaarka madaxtooyada magaalada Muqdisho.
AlShabaab war ay baahiyeen warbaahinteeda ku sheegatay in ciidamadeedu howlgal ka wadaan inta u dhaxeysa Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada, iyagoo sheegatay in howlgalkaasi u dhacay sidii loogu talogalay.
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal culus ka wada xarumaha kuyaalla Hotelka SYL illaa iyo madaxtooyada, howlgalka Mujaahidiinta ayaa sidii loo qorsheeyay u socda wixii faahfaahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonnaa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay Qaraxyada iyo weerark is xigtay ee ka dhacay dhabarla danbe ee Hotelka SYL ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ay dileen saddex dabley ah oo la sheegay inay ahaayeen kuwii doonayey inay galaan xarumaha u dhow madaxtooyada ee weerarka soo qaaday.
Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Dableyda Alshabaab ee weerarka qaaday ayaa ku dagaallamay Iirrida hore ee Madaxtooyada iyo ilaa Beerta Nabadda halkaas oo ay muddo rasaasta ka dhaceysay.
Intii uu dagaalka socday ayaa qof isku wixay walxaha qarxa waxaa uu ku qarxay Isgoyska Ceelgaab oo ah bar kale oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhowaan war kasoo saarto weerarkii iyo qaraxyadii maanta dhacay xilli ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho.