Monday, June 23, 2025

Saddex khalad oo ku jiray War-murtiyeedkii shirkii Siyaasiyiinta mucaaradka ee Nairobi [Akhriso]

Qaar ka mida Xildhibaannada labada gole iyo siyaasiyiin oo shalay shir ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa laag soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay in xukuumadda hadda jirta meesha laga saaro, lana dhiso xukuumad cusub.

Inkastoo ay cudurdaar u yeeleen in dowlada hadda jirta ay u diiday inay ku shiraan magaalada Muqdisho, taasoo keentay inuu shirkooda ka dhaco magaalada Nairobi, haddana waxaa ku jiray xildhibanno fara badan oo maalin kasta ku dhegan madaxda dowladda iyadoo Muqdisho jooga.

Khaladaadka ku jira war-murtiyeedka siyaasiyiintaasi waxaa ka mida:

Ad

1- Inay ahaayeen shaqsiyaad ilaa 30 xubnood ah oo u badan musharixiin hore iyo mas’uuliyiin xilal kasoo qabtay dowaldda hadda jirta, isla markaana aanay jirin cid ay hadda metelaan iyo sharciyad ay ku hadli karaan, marka laga reebo inay ahaayeen koox oo ra’yi isku darsatay.

2- Inay codsi u direen madaxweyne Frmaajo si uu meesha uga saaro xukuumadda hadda jirta, taasoo aan ahayn qaab lagu rido Ra’iisal wasaare iyo xukuumad; sida xukuumad loo rido waxaa loo maraa Baarlamaanka, iyadoo loo qaadayo codka kalsoonida marka mooshin laga keeno, kamana mid aha awoodaha madaxweynaha.

3- Qabashada shirweyne Qaran: Waxa ku hanjabeen inay shirweyne Qaran bisha June ku qabanayaan magaalada Muqdisho, haddii la casili waayo xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo micnaheedu yahay fowdo iyo sharci darro laga booday hay’adihii sharciga ahaa sida Baarlamaanka.

- Advertisement -

Marka la isku soo duubo kooxda siyaasiyiinta ah ee ku shirtay magaalada Nairobi waxay u muuqdeen inay xilal u ooman yihiin oo kaliya, iyagoo og inaysan suuragal ahayn xilligan si loo kala saaro Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON