Sunday, July 6, 2025

Saddexda Mas’uul ee saameynta ugu xun uu ku reebay Heshiiskii Doorashada 2020/2021 (Akhriso)

Heshiiskii Doorashada ee ay Muqdisho ku gareen Madaxda Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Maamulka G/Banaadir wuxuu ka dhignaa gabagabada Mudo xileedkii dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, balse wuxuu saameynta ugu weyn ku reebay saddex mas’uul oo si toos ay iyo si dadban ugu lug lahaa.

Waa mas’uulka ugu weyn ee Heshiiskaasi uu galaaftay, wuxuuna ka dhigay Madaxweyne aan wax tariikh ah oo waxbqabad uga tegi doonin Villa Somalia afartii Sano ee uu joogay. Khudbadii uu xalay ka jeediyey xafladii gunaanadka ayaana bannaanka soo dhigtay qorshe la’aantiisa iyo sida jid waliba uga soo xirmay, kadibna ku ogolaaday Doorasho Dadban.

Madaxweyne Farmaajo inkastoo aanu Heshiiskaasi raali ka ahayn, haddana wuxuu ku qasbanaaday inuu qaato, kana dhaadhiciyo Baarlamaanka, mar haddii aanay jirin meel kale oo arrinta looga wareego oo aan ka ahayn kala tag iyo qalalaase.

Guddigan oo sanadkii 2016 iyagoo jira laga wareejiyey Doorashadii dadbaneyd ee Dowladii Xasan Sheekh ayaa haddana nasiib darro la seejiyey inuu qabo Doorashada 2020/2021, taasina waxay ka dhigan tahay in Guddigan sidaas ku kala tago marka uu dhaco waqtigiisa July 2021.

Xaliimo Yarey oo ka mid ahayd mas’uuliyiinta ugu awoodda badan xilliyadan, waxay hadda ku jirtaa xilliyadii ugu danbeeyay oo saameynteeda siyaasadeed ay meesha kasii baxeyso, lamana hubo xitaa inay Doorashada 2024/2025 qaban karaan, sida Madaxweyne Farmaajo u saadaaliyay.

Inkastoo uu ka qeyb galay shirarkii Dhuusmaareeb 3 iyo Muqdisho, haddana gudooomiyaha Gobolka Banaadir wax door ah kuma lahayn Heshiisyadaasi, marka laga reebo in fadhiga lagu camirtay, waxaana lasoo hadal qaadin 13-kii xubnood ee Golaha shacabka u qoondeeyay dadka Muqdisho inay ku yeeshaan Aqalka Sare.

Guddoomiye Cumar Filish ahaa joogaha-maqan ee shirarkii Heshiisyada Doorashada, iyadoo waliba Muqdisho dadekeda aysan waxba dooran doonin, balse kuraas badan lagu dooran doono, waxaana ugu waan inuu ahaa mas’uul magacaabis ku yimid oo aanay cidna soo dooran.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON