Saturday, August 9, 2025

Safaaradda Itoobiya oo lagu amray inay ka guurto Madaxtooyada [Wargelin dowladda u dirtay Safaaradaha]

Dowladda Soomaaliya ayaa amarkii ugu weynaa kasoo saartay safaaradaha ajanbiga ah ee degan Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Madaxtooyada.

Qoraal ay dowladda u kala dirtay safaaradaha degan labadaas xarumood ayaa lagu  wargeliyay Safaaradaha degan Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada inay halkaasi ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxaa loo sheegay safaaradahaasi inay ku shaqeeyaan xarumahoodii hore ee ay dalka ku lahaayeen waqtigii hore, arrintan oo in muddo ah la sugayay ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah, waxayna saameyn ku yeelan doontaa safaaraddo fara badan.

Safaaradaha amarkan saameynta ku yeeshay ee ku dhex shaqeeya Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ugu weyn safaaradda UK iyo dalalka Midowga Yurub.

Safaaradaha ku dhex shaqeeya Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ugu weyn Safaarada Itoobiya oo dhex degan Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la arki doonaa sida wargelintan ay u fulin doonaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON