Bayaan kasoo baxay Guddiga howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in maanta si rasmi ah dib loogu aas-aasay, loona furay safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa caasimadda Soonaaliya ee Muqdisho.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii, markii dagaaladda sokeeya ka qarxeen Somalia oo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayuu Mareykanka sheegay bishii December ee sanadkii hore 2018, inuu dib u aas-aasay howl-galkiisa diblomaasiyeed ee Soomaaliya.
Qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, wuxuuna sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay “dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.”
“Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.” ayuu yiri Safiiirka Mareykanka ee Somalia
Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray “Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddii 2018 la aqoonsaday dowladda Soomaaliya.”
Yamamoto ayaa ballan-qaaday in Mareykanka uu wadi doonno inuu saaxib xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo dimoqraadi ah.