Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa caddeysay sababta Safiirka cusub oo Muqdisho soo gaaray dhowaan uu Nuqul ka mida Waraaqihiisa aqoonsiga ugu gudbinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Safaaradda oo bilowday baahinta qoraallo iyo sawirro ay dadka ku bareyso safiirka cusub iyo taariikhdiisa ayaa dhinaca kale qoraal ay soo saartay uga hadashay munaasabadii uu Sabtidii 29-ka Janaayo 2022 safiirka cusub Larry Andre nuqul ka mida waraaqihiisa aqoonsiga ugu gudbiyey Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
“Shalay Ambassador André waxa uu nuqul ka mid ah warqada aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali. Asalka Warqadan waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.
Safaaradda oo sharaxaad ka bixisay arrintan ayaa qoraalkeeda kusoo gabagabeysay: “Sida dhaqanka diblomaasiyaddu yahay, warqadda aqoonsiga waxay si rasmi ah Danjiraha uga dhigeysaa wakiilka madaxweynaha dalka (Mareykanka) u metala Soomaaliya ee ku hadlaya magaca Dowladda Mareykanka, taasoo ku socota madaxweynaha dawladda Soomaaliya”.
Mareykanka ayaa hore doorashadii 2017 dib u dhigay inuu safiirkii cusbaa waraaqihiisa aqoonsiga la wadaago madaxweynihii xilligaasi waqtigiisa dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lala sugay madaxweynihii cusbaa; balse xilligan ayaa waxaa muquda inay doorashadu gaabis ku socoto waqti dheerna qaadan doonto.
