Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa War qoraal ah oo ay saartay uga digtay dadka dhalashada Mareykanka heysta inaysan u dhowaan agagaarka Daljirka Dahsoon oo lagu wado inuu Jimcaha ka dhaco bannaanbaxa musharixiinta Mucaaradka.
“Marka la eego halista dambiyada rabshadaha dhici kara iyo kacdoonka shacabka, muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka dheeraadaan dibad-baxyadan iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Safaaraddad Mareykanka ee Soomaaliya.
Muwaadiniinta Maeyanka ee jooga Muqdisho ayaa la siiyey tallooyin ay ka mid yihiin inay isha ku hayaan warbaahinta Gudaha, haddii ay xaalad soo wajahdana la xiriiraan safaaradda si gacan loo siiyo.
Safaaraddaha Mareykanka ee dunida ayaa caadiyan bixiya digniinta noocan ah mar kasta oo ay soo food leedahay mudaaharaadyo xoog leh ama cabsi dhinac amniga ah.
