Tuesday, June 24, 2025

Safaaradda Mareykanka oo shaacisay kulan Madaxweyne Farmaajo Garoonka Muqdisho kula yeeshay Senator Mareykan ah [Sawirro]

Safaaadda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa baahisay in Senator Jack Reed oo ka Tirsan Aqalka Senate-ka Mareeykanka uu magaalada Muqdisho kula la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Warkan oo lagu  Bogga Facebook ee Safaaradda ayaa lagu sheegay in kulanku uu dhacay 20 kii Bishan Febraayo, iyadoo uu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho oo sida muuqata uu madaxweyne Farmaajo u tegay la kulanka Senator Jack Reed oo laga soo doorto gobola Rhode Island ee Waqooyiga Bari ee Mareykanka.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo Amniga, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin sida ay hadalka ku soo koobtay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya guddiga qaabilsan.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin kulankan iyo arrimihii looga hadlay midna, iyadoo aanay ka muuqan cid ku wehlisay madaxweynaha.

Image may contain: 3 people

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON