Safiiradda cusub ee UK usoo magacawday Soomaaliya Kate Foster ayaa Midowga Musharixiinta Mucaaradka ka qancisay sababtii keentay inay waraaqaheeda aqoonsiga u gudbiso Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulan ay Khadka fogaan aragga ee Internerka kula yeelatay xubno ka mida Midowga Musharixiinta oo ay ka mid yihiin Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo xubno kale ayaa lagu weydiiyey Safiiradda arrintan oo ay si weyn ugu dhaliileen Musharixiinta mucaaradka, iyadoo faafhaahin ay ku qanceen ka siisay.
Sida uu sheegay C/raxmaan C/shakuur waxay safiiradda sheegtay inay rabtay inay howlgasho si ay shaqadeeda u bilowdo oo ay ka mid tahay inay kulamo la yeelato mushariixinta iyo qeybaha Soomaalida, taasina ay qasab ka dhigtay inay raacdo dhaqanka Diblomaasiyadeed, maadaama aysan xilligan wax doorasho socon.
Mar la weydiiyey sababtii safiirkii hore ee UK David Concar uusan waraaqihiisii aqoonsiga ugu gudbin Madaxweynihii waqtigiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 2016 ayey uga jawaabtay in xilligaasi Baarlamaan la doortay iyo guddoonkiisa, ayna harsaneyd doorashada Madaxweynaha; iyadoo u caddeysay inay arrintan ka doodeen ayna qaateen go’aankan marka loo eego xaaladda ay Soomaaliya ku jirto.
