Safiirka UK eu fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa wada dhaqdhaqaaqii ugu badnaa, isagoo kulamo xiriir ah la yeelanaya musharixiinta Madaxweynaha iyo Siyaasiyiinta Soomaalida.
Danjire Ben Fender ayaa uga hormaray safiirka Mareykanka Donald Yamamoto la-kulanka siyaasyiinta Soomaalida, waxaana hore loogu eedeeyay inuu ahaa safiirka kaliya ee madaxda dowladda Soomaaliya ku riixay in la qaban karo “Doorasho qof iyo cod” isagoo qeyb ka ahaa doodii arrintaasi ka dhalatay ee keentay inuu Madaxweyne Farmaajo ku adkeysto ilaa Bishii September 2020.
Maalmihii ugu danbeeya wuxuu safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya waday kulamo xiriir ah oo uu la yeelanayo musharixiinta madaxweynaha ee ku kacsan Madaxweyne Farmaajo, kana horjeeda qaabka ay doorashada u wado dowladda Soomaaliya. Kulamadan ayaan lagu shaacin baraha rasmiga ah ee safaaradda UK iyo kan safiirka.
Kulamadan ayaa looga hadlay xaaladda doorashada, wuxuuna safiir Ben Fender weydiinayay musharixiinta su’aalo isku mida oo ku saabsan aragtidooda doorashada iyo sida ay u arkaan xalka looga gudbi karo is mari waaga Doorashada.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si weyn faraha ugula jira arrimaha gudaha Soomaaliya, waxayna farageliyeen marka xaaladu adkaato, iyadoo saameynta ugu weyn ay leedahay dowladda Mareykanka.
