Sunday, July 6, 2025

Safiirka Mareykanka oo kulan saacado qaatay la yeeshay Madaxweyne Deni & Ciidamo Mareykan oo la wareegay Garoonka Bosaso

Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta tegay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, isagoo halkaasi kulan kula yeeshay Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa kulankaasi dartiis u tegay magaalada Boosaaso, waxaana safiirka Mareykanka uu kula kulmay isla Garoonka magaalada Boosaaso oo si weyn amnigiisa loo ilaalinayey, ayna la wareegeen ciidamada Mareykanka oo watay hub iyo qalab casri ah oo wehliyaan Eeyaha tababarran oo saacado ka hor tegay Garoonka Boosaaso.

Ujeedka kulanka ayaan la shaacin, waxaana Madaxtooyada Puntland ay shaacisay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka areykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ay ka wadahadleen xiriirka Mareykanka iyo Puntland, dagaalka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hore dowladda Somalia iyo maamul Goboleedyada ugu baaqay inay heshiis ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya oo ay la yimaadaan qorshe ay ku qaban karaan doorasho dalka ka dhacda, taasoo aan weli dhicin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON