Monday, July 14, 2025

Safiirka Qatar oo Kulan Gaara la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare [Maxay ka wada-hadleen.?]

Guudoomiya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad oo kulan gaara ugu tegay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka dalka Qatar ee Somalia ayaa la sheegay inay ka wadahadleen iskaashiga labada dal iyo taagerida howlaha Guddiga Saaxiibtinimadda Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Qatar, sida ay shaacisay xogheynta Aqalka Sare, wuxuuna kulankan imaanayaa iyadoo Aqalka Sare laag codsaday inuu baaritaan ku sameeyo Warbixinta uu qoray Wargeyska New York Times ee dowladda Qatar ku tuhmay inay ku lug leedahay Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, iyadoo kula dagaalameysa Imaaraadka Carabta.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddomiye Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Golaha ayaan faahfaahin kale laga bixin ujeedka Safiirka Qatar ugu tegay Guddoonka Aqalka Sare.

Madaxweynaha Puntland ayaa Baarlamaanka Somalia ka dalbaday inay Guddi baaritaan u sameeyeen arrinta Qatar iyo ku lug lahaanshaheeda Qaraxyada Boosaaso, laakiin Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay inay ku qanacday beeninta dowladda Qatar ee arrintaasi kasoo saartay.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON