Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar C/risaaq Faarax Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda caafimaad ee dhaawacyada loo qaaday dalka Qatar oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).
Safiirka ayaa sheegay in Yariisow iyo laba dhaawac oo kale ay weli ku jiraan qeybta xaaladda degdega ah ee ICU-da, isla markaana si weyn loola tacaalayo xaaladiisa, wuxuuna intaasi ku daray in qalliin looga sameeyay caloosha laga saaray laba firir oo ku jiray, balse aan go’aan laga gaarin laba firir kale oo madaxa uga jira.
Safiirka oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa caddeeyay in Guddoomiye Yariisow xaaladiisa ay fiican tahay, nin ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay xarunta G/banaadir oo lug iyo gacan ka go’ay iyo nin ka mida dhaawacii magaalada Kismaayo ay ku hareen xaaladda degdega ah iyadoo 6 qof oo dhaawaca ka mid ahaa laga saaray dhaawacyadii kale.
Dhaawacyo ay ku jirto Guddoomiyaha degmada Wardhiigley ayuu sheegay in loo diray isbitaal kale oo jirkooda loo hagaajinayo xaalad kale oo caafimaadna ay galeen iyadoo ka baxay xaaladii degdegga ahayd,
Sidoo kale Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale ka hadashay xaaladda Caafimaad dad uu ku jiro Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng Yariisow oo ay sheegtay inay kas soo reyneyso sidii hore oo ah markii laga soo qaadayay magaalada Muqdisho,