Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Itoobiya ayaa si aan hore loo arag u taageertay dhismaha biyo-xidheenka webkiga Nile-ka Itoobiya oo ay ku muransan yihiin dalalka Itoobiya iyo Masar.
Danjire Cabdixakiin C/llaahi Cumar (Camey) ayaa wakaaladda wararka ee FANA oo taageerta dowladda Itoobiya u sheegey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda Itoobiya ugu taageereyso dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam -GERD) iyo in si guul leh loo dhammeystiro mashruucaasi.
Danjire Camey ayaa sheegay in Biyo Xireenka GERD uu yahay mashruuc nabadgelyo oo rajo gelinaya Itoobiya kaliya maahee Qaaradda Afrika oo dhan, wuxuuna intaas u daray in Biyo xireenka Itoobiya ee GERD uu noqon doono tiir ka mida dhaqaalaha Gobolka iyo isku xirka dadka ku nool Geeska Afrika.
Wuxuu sheegay in buuxinta biyo xireenka oo bilaaban doonta July 2020 ay tahay waqti ku haboon oo aan wax dhibaato ah u geysan doonin dalalka uu mari webiga.

“Soomaaliya waxay ixtiraamaysaa xuquuqda Itoobiya ay u leedahay inay ka faa’iideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah. Taasina waa sababta ay u diidnay qaraarkii dowladda Masar ee Jaamacadda Carabta oo ka horjeeda danaha qaranka Itoobuya iyo Gobolka Bariga Afrika” Ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya.