Tuesday, July 15, 2025

Sanbaloolshe oo afduubtay xaqiiqada Kiiska Sarkaalka ONLF ee C/kariin Qalbidhagax

Taliyaha ciidamada NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa dhabarka u ritay kiiska sarkaal ka tirsan ONLF oo dowladda Soomaaliya ay ku wareejiyay Itoobiya.

Sanbaloolshe oo qeyb ka ahaa barnaamij si toos ah Ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada xukuumadda ay warbaahinta kula hadleyaan caawa ayaa soo dhex galay su’aal la weydiiyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre isagoo sheegay in arrinta sarkaalkaasi ay tahay xasaasi aan laga hadli karin.

“In Itoobiya lagu wareejiyay Cabdikariim Qalbi dhagax waa arin xasaasi ah Dowladana aniga ayaa ka af qabanaya inay xiligan ka hadasho arintaas” ayuu yiri Sanbaloolshe oo jawaabtaas kooban ku afjaray kiiska muranka weyn ka taagan yahay ee dowladda Soomaaliya ku lug yeelatay iyo fadeexadda ay dhex fadhido.

Hadalka Sanbaloolshe ayaa ah qirasho rasmi ah in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u gacan gelisay Qalbi dhagax, laakiin ay diidan tahay inay wax faahfaahin ah ka bixiso.

Sanbaloolshe ayaa loo arkaa inuu fure u yahay kiiskan isla markaana uu qeyb weyn ku leeyahay dhoofinta iyo in Itoobiya loo gacan geliyo mid ka mida ragga ugu waaweyn ee ONLF ka tirsan, isagoo haddana dadka Soomaaliyeed ka afduubtay inay xaqiiqada ogaadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON