Tuesday, July 1, 2025

Sanbaloolshe oo ku guuleystay Kursi ay kula tartameen 6 musharax, kuna soo baxay xildhibaan..

Waxaa goor dhoweyd la shaaciyey natiijada mid ka mid kuraasta ugu adkeyd ee lagu soo doortay magaalada Beldeweyne.

C/llahai Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ku guuleystay kursigii HOP058 ee Beesha Cali-Madaxweyne / Xawaadle, kadib markii uu helay codadkii ugu badnaa oo hal dheeri ah.

Natiijada wareegga koowaad ayaa noqtay inuu C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) helay 54 cod, taasoo u suuragelisay inuu wareegii hore ku guuleysto Doorashada kursiga Beeshiisa oo tartankisu adkaa.

Natiijada Doorashada iyo sida codadka loo kala helay hoos ka akhriso:

1-Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe 54

2-Cabdulqadir Xsueen Colow 8 cod

3- C/llaahi Axmed xuseen 5cod

4- Cali C/llaahi Cosoble 28 cod

5- Maxamed Afdhuub Makaraan 2 cod

6- Ubax Cali Sheegow. 0 cod

7- Yoonis Mohamed Nur. 3cod

“Doorashada oo ahayd hal Wareeg ayaa waxaa Murashax Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe helay 54 cod Wax halaabay 1 cod Sida daraadeed natiiijada Hordhaca ah ee BFS waxaa ku guulaystay Mudane Amb Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON