Monday, July 14, 2025

Sanbaloolshe oo la filayo inuu xog culus soo bandhigo [Halis soo wajahday Madaxda sare]

Warar laga soo xigtay xubno ku dhow dhow taliyihii hore ee NISA ayaa sheegaya inuu hayo xog culus oo ku saabsan qaabkii Itoobiya loogu gacan geliyay Sarkaalkii ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax).

Sanbaloolshe oo xilka Agaasimaha NISA laga eryay ayaa la sheegay inuu hayo dokumenti rasmi ah oo ku saabsan dhoofinta Qalbi dhagax oo ay ku saxiixan yihiin madaxda sare ee dowladda iyo xukuumadda.

Agaasimihii hore ee NISA oo hore u diiday in arrinta Qalbi dhagax ay saxaafadda kala hadlaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa iminka qorsheynaya inuu soo bandhigo xaqiiqada kiiska Qalbi dhagax oo uu sheegay inay madaxda Sare ee dowladda ay amreen.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii guddiga Baarlamaanka u saaray arrintan uu eeda dusha u saaray NISA iyo hoggaankii hore ee Sanbaloolshe. Waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay gilgisho madaxtooyada Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa xiriir dhow la leh Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid oo ku xiran Imaaraadka Carabta, taasoo xaalada sii cusleyn karta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON