Monday, July 14, 2025

Sanbaloolshe oo Qormo kashiftay sirta Sirdoonka Somalia ku qoray Wargeyska New York Times [Akhriso]

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ayaa Qormo dheer ku qoray qeybta ra’yiga ee Wargeyska New York Times ee ugu caansan dalka Mareykanka, isagoo ku faafhaahiyay xaaladda ciidamada ammaanka dalka.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa qormadiisa ku bilaabay qarixii weynaa ee magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii Oktoobar, isagoo sheegay inay Alshabaab ka danbeeyeen, horeba loogu yiqiin falalkaas oo kale.

Wuxuu ka dardaar weriyay xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, siiba kuwa sirdoonka iyo denbi baarista, wuxuuna caddeeyay in ka sokow iyagoo qaadan mushaar aanay heysan qalabkii ay wax baari lahaayeen, wuxuuna tiriyay qalabka ay heystaan iyo kuwa ka maqan.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

Taliyaha NISA ayaa qormadiisa ku sheegay awoodda sirdoonka Soomaaliya sida ay u kooban tahay iyo inaysan heysan qalabkii u saamixi lahaa inay baaritaan sax ah ku sameeyeen qaraxyada dhaca iyo dabagal, wuxuuna eedeyn u jeediyayKhubradda qaraxyada dalalka reer Galbeedka oo uu sheegay inay baaritaanka iskood uga sameeyeen  qaraxyada Muqdisho iyagoo aan wax warbixin ah la wadaagin dowladda Soomaaliyana ay iska baxaan.

Qoraalka Sanbaloolshe oo bannaanka soo dhigay sirtii ciidamada ammaanka ayaa dunida u sheegay inaysan u baahneyn cambaareyn iyo baroordiiq ee Soomaaliya u baahan tahay in laga saacido sidii ay hay’adaheeda ammaanka awood ug yeelan lahaayeen inay l; dagaalamaan Alshabaab.

Wuxuu caddeeyay xiriir u bishii Ogost la sameeyay hay’adda Dembi baarista Mareykanka ee FBI-da oo uu ka codsaday inay ka taageeraan ka hortagga qaraxyada Baabuurta miineysan inay inuu la kulmo balse aan wax jawaab ah loo soo celin.

Qoraal uu taliye sirdoon oo xil haya ku qoro wargeysyada caalamka ayaa noqoneysa mid cusub iyadoo shaqada sirdoonada iyo madaxdooda aan wax war laga maqlin xilliga ay xilalka hayaan.

Somalia Doesn’t Need Tears. Help Us Fight Terrorism [by: Sanbalolshe]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON