Wednesday, June 25, 2025

Saraakiil cusub oo loo magacaabay Qeybta Booliska G/Banadir & Saldhigyada Degmooyinka Muqdisho [Akhriso]

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xilalkii ka qaaday taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee G/Banaadir iyo qaar ka mida taliyeyasha Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Boolisa ayaa u magacaabay C/fataax Bashiir Cali inuu noqdo taliyaha Qeybta Weliyow Cadde ee Gobolka Banaadir oo ay hoos yimaadaan degmooyinka Muhiimka ah ee ay ku yaallaaan xarumaha dowladda sida Madaxooyada.

Waxaa kaloo taliye xigeenka Qeybta Weliyow-Cadde loo magacaabay Shuceyb Cabdi, iyadoo isna Bashiir Cabdi Siyaad oo loo magacaabay Taliyaha saldhiga Booliiska ee Degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in xilalkii laga qaaday ilaa 10 taliyeyaasha saldhigyada booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana la magacabay xubnaha soo socda:

Saldhiga Xamar Weyne: Axmed Qadar

Saldhiga Warta Nabadda: Xuseen Cad Ceed

Saldhiga Degmada Kaaraan: Liibaan shidane

aldhiga degmada Hodon: Bashiir Cabdi Siyaad.

Saldhiga degmada Hilwaa: Cali Calasow Goofjooge

Saldhiga Degmada Boondheere: Najiib Carab

Saldhiga degmada Dharkaynley: Ismaaciil Muuse

Saldhiga degmada Waaberi: Mooshin

Waa isbedelkii ugu weynaa ee mar qura dhaca waxaana saraakiishan ay intooda badan u ahaayeen taliyaashii Nabadsigidda Degmooyinka Gobolka Banaadir ka hor inta aan loo soo wareejin Ciidankan Policka.

Taliyeyaasha cusub ayaa ka yimid ciidamada NISA ee laga dhigay Booliska, horeba u ahaa askartii xasilinta Gobolka Banaadir.

Magacaabiddan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xaalada amniga caasimadda uu sii xumaaday, maanta weerar lagu qaaday xarunta wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee degmada Shangaani oo ilaa 10 qof lagu dilay, kuwaasoo uu ka mid ahaa Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON