Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dalka Itoobiya u direyso baarayaal ka socda Hay’adda denbi baarista ee FBI-da si ay gacan uga geystaan baaritaanka qarixii ka dhacay magaalada Adis ababa ee lala beegsaday fagaare uu ku sugnaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda Itoobiya waxaa warkan laga soo xigtay Wasiirka Ganacsiga Mareykanka Gilbert Kaplan oo la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana lagu wadaa in baarayaasha FBI-da ay gaaraan magaalada Adis ababa toddobaadkan.
Qaraxa ayaa ka dhacay Goob uu Taageerayaashiisa kula hadlayay Ra’isal wasaaraha Isbeddel doonka ah ee Itoobiya Dr. Abiy Ahmed. Booliska Itoobiya ayaa weerarkaas u xiray 30 Qof oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka Booliska Adis ababa iyo saraakiil kale oo Boolis ah.
Weerarkii Adis ababa waxaa ku geeriyooday 2 Qof,waxaana ku dhaawacmay 150 Qof sida ay sheegtay Dowladda Itoobiya. Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Khamiistii ka dhacay Adis ababa.