Thursday, June 26, 2025

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Danab oo lagu dilay Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegtay..

Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo Kumaandooska Danab ee dabley ka tirsan Alshabaab ku dileen magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada xarunta Golaha shacabka oo lagu magacaabo Buule Xuseen, ahaana Laba-xiddigle ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dilka sarkaalkan ayaa ka dhacay Xaafadda Shanta geed ee degmada Howlwadaag halkaasi, waxaan goobta ka baxsaday dableydii dilka u geysatay. Ciidamada Amnifa ayaa dilka kadib garay goobta falku ka dhcay, mana jirin cid loo soo qabtay.

Alshabaab aya sheegtay inuu sarkaalka ay khaarijiyeen lagu magacaabi jiray Cabdalla Aadan Xasan isla markaana uu hore u ahaa madaxii Gaadiidka iyo Sahayda ciidamada Danab ee Mareykanku ku tababaray Garoonka Ballidoogle.

Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin dilalka saraakiishan oo 72 saacadood gudahood ka dhacay magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON