Puntland ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee ay uga qeyb qaadaneyso dagaalka Alshabaab iyo Galmudug ku dhex maraya Koonfurta Gobolka Mudug.
Saraakiishii ugu horeysay ee Puntland ayaa tegay Aaggaga dagaalka ee ay isku hor fadhigaan ciidamada Galmudug iyo maleeshiyada Alshabaab, gaar ahaan Koonfurta Mudug, waxayka qeyb ka ahayn heshiisyo iskaashi milateri oo dhex maray Puntland iyo Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa arrintan ku tilmaamay arrin taariikhi ah a baal-dahab geli doonta oo mudan bogaadin iyo mahadcelin, soona afjari doonta colaadihii gacan ku samayska ahaa ee ka dhexeyn jirey dadka walaalaha deriska ah ee PUNTLAND iyo GALMUDUG.
“Waa saraakiisha Puntland oo si hordhac ah kusoo gaartay Jiidda hore ee dagaalka lagula jiro kooxda hororka ah ee Shabaab deegaanada koofurta Gobolka Mudug. Argagixisada iyo taageerayaashoodaba waxaa u soo hoyday jab cusub iyo baaba’ xooggan” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Puntland ayaa dhowaan Galmudug gaarsiisay Gaadiid iyo Hub ay ku taageertay Maamulka Galmudug ee dagaalka kula jira Alshabaab, waxayna arrintan timid kadib wadahadal magaalada Muqdisho ku dhex maray madxweynayaasha Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
