Friday, June 27, 2025

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka Gaashaadhigga Somalia

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdi ka socday Wasaaradda Difaaca dawladda Turkey oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa wafdigaasi ka socday Turkiga waxa uu kala hadlay Kordhinta Tababarka la siiyo Saraakiisha iyo Saraakiil Xiggeenada Ciidanka Soomaaliya, Kordhinta Taageerada Milatari iyo arrimo kale. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay saraakiisha Turkiga ala hadlay kordhinta Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada iyo Ciidamada Dowladda Turkiga Tababarka siiyaan.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Wasaaradda Difaaca Turkiga uu ka dhageystay Warbixin ku aadan Xaaladda Ciidanka Soomaaliya ka socda ee tababarka ku qaadanaya dalkaasi.

“Sidoo kale waxaan ka dhageestay warbixin ku aadan xaalada ay ku suganyihiin Ciidamada Tababarka u jooga dalka Turkiga Waxay ii sheegeen in Dhalinyaro firfircoon ay yihiin oo waxbartay iyo in uu muuqdo dib-u-kabasho dhanka ciidanka ah” ayuu yiri Wasiir Xasan Maxamed.

SourceSONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON