Isbedello waaweyn ayaa ku socda saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda, wixii ka danbeeyay 12 Apil 2021 oo madaxweynihii xilligiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu 2 sano kororsaday xilka.
Isku shaandheyn iyo xil ka qaadis ayaa lagu sameeyay maanta taliyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood iyo Taliyeyaasha qeybta guud ee Gobolka markii la sheegay in laga shakiyey inay xiriir la leeyihiin taliyihii hore ee xilka laga qaaday iyo xubno ka mida Musharixiinta.
Taliyeyaasha saldhigyada Booliska ee xilka isku shaamdheynta iyo xila ka qaadista saameysay waxaa ka mida taliyeyaashii saldhiygada Wadajir, Howlwadaag, Waaberi, Shibis, C/casiis iyo Deyniile, iyadoo ay weli socoto arrintan .
Waxaa xilalkoodii waayey Taliyihii qeybta Galbeed ee G/Banaadir Yuusuf Xundubey iyo taliye ku xigeenadii Qeybta Gobolka Banaadir iyo taliyeyaashii saldhigyada degmooynka Waaberi iyo Howlwadaag.
Waxaa la dalacsiiyey taliyihii degmada Wdajir Saciid Cali Baryare oo noqday taliye ku xigeenka qeybta Gobolka Banaadir, waxaa kaloo Cabdi Baasid Maxaamuud loo magacaabey Taliye ku xigeenka Qeybta Waliyow Cadde.
Taliye ku xigeenka qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale loo magacaabay Daa’uud Axmed Caraale.
Waxaa weli socda isbedellada lagu sameynayo Booliska G/Banaadir iyo Talisyada Milateriga oo hore looga sifeeyay saraakiisha shakiga uu ka qabay Maxamed C/llaahi Farmaajo.