Friday, April 26, 2024

XOG: Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif la yeesheen Qoorqoor iyo Guudlaawe..?

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay yeesheen Madaxweyneyaashii hore ee hoggaamiya Mucaaradka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxda maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Kulanka oo ahaa mid xasasi ah ayaa looga hadlay Xaaladda siyaasadda dalka, Muddo kororsiga Maxamed farmaajo iyo Go’aanka ay ka qaadaneyso Beesha Hawiye, iyadoo uu socdo qabanqabada shirweyne go’aan looga gaarayo arrintan.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaan wax go’aan ah kasoo bixin, waxayna ilo dhow sheegeen si weyn looga dooday tallaabada xigta ee la qaadayo iyo in QOorqoor iyo Guudlaawe laga rabo inay ka hor yimaadaam muddo kordhinta Farmaajo sameystay.

Ad

Xogta ayaa sheegeysa in Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ay la wadaageen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh inay ka horjeedaan muddo kororsiga Farmaajo, balse uu heysto culeys weyn, ayna doonayaan inay ku laabtaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo arrintan la wadaagaan inta aysan go’aan cad qaadan.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaan ku xiran dowladda Federaalka iyo maamulka Farmaajo oo aanay u sahlaneyn inay si fudud uga hor yimaadaan, waxaana la sheegay inay ka muuqato cagajiid ku saabsan inay si toos ah ugu gacan seyraan Farmaajo, waana taas xaaladda cakiran ee keentay inay go’aan cad laga waayo.

Shirweynaha beesha Hawiye ee qabanqaabadiisu ka socoto caasimadda Muqdisho ayaa laga sugayaa in laga soo saaro go’aan ay qaataan siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha oo ay ku jiraan maamul Goboleedyada ay beeshu degto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON