Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, markii la sheegay inuu soo jeediyey Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.
Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakishanl ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka, Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto, kaasoo lagu eedeeyay tacadiyo uu ka mid yahay weerarkii lagu qaaday Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Waxaa kaloo saraakiisha la dalacsiiyay ka mida taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo saraakiisha kale ee hoos ku qoran:
Mahad Korow (Gaashaanle)
Axmed Qadar (Gaashaanle)
Taliye Mooshin (Gaashaanle)
Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)
Bashiir Durqun (Gaashaanle)
Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)
Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)



